Iiraan oo gacanta ku dhigtay mid kamid ah Gujisyada Maraykanka ugu muhiimsan

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah Maraakiibta yaryar ee gujiska loo yaqaan isla markaana taga gunta hoose ee Badda si Xukuumadda Washington ay ula socota dhaqdhaqaaqa Marinka Hormuz.

Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka ilaalada Kacaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay in xog badan ay ka baarayaan Gujiskaas, waa mid kamid ah kuwa meelaha fogfog laga hago ee aanay cidi la socon sida hadalka loo dhigay.

Maraykanka ayaa qirtay in gujiskaas uu u gacan galay Iiraan balse waxa uu hoos u dhigay awooddiisa isaga oo tilmaamay in aanay xog badan laga ogaan doonnin isla markaana ku xirnayn qalab macluumaad kaydinaya.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in saraakiil katirsan Washington oo ka walaacsan in gujiskaas uu gacanta u galo Shiinaha iyo Ruushka oo ay xifaaltamaan sidoo kalena saaxiib la ah Iiraan si loo ogaado xogta waxa uu ka samaysan yahay.

Iiraan ayaa Maraykanka dhaxalsiisay khasaara xooggan oo dhinaca Dhaqaalaha ah, Ciidanka iyo Qalabka ay ku howlgallayaan, Xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ayaa horay u sheegtay in ay ka qoomamaynayso dagaalladaan aan dhammaadka lahayn.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegatay inay weerartay Maraakiib oo laga leeyahay maraykanka

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanku ay weerareen “laba markab oo Maraykan ah iyo siddeed...