Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa soo saaray digniin ku saabsan in si dhow loo beegsan karo Makiibta Shidaalka ee ku sugan dekedaha iyo xeebaha Bahrain iyo Kuwait.
Bayaan ay ciidamadaasi soo saareen fiidnimadii Talaadada ayay ku sheegeen in digniintan ay jawaab u tahay weerarrada ciidamada Maraykanka ay ku qaadeen Maraakiibta Shidaalka ee Iran.
Waxay sheegeen in dhammaan shaqaalaha maraakiibta Shidaalka qaada ee ku dhow dekedaha Kuwait iyo Bahrain loo diray digniin, maadaama labada dal ay martigeliyaan ciidamada Maraykanka.
“Waxaan uga digaynaa inay si degdeg ah uga baxaan maraakiibtooda, haddii ay deked ku jiraan ama ay meel ku xiran yihiin, maadaama la beegsan doono,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniinta ay khusayso dhammaan shaqaalaha Maraakiibta qaadda Shidaalka ee ku sugan agagaarka dekedaha labada dal.

