Iiraan ay muujisay in wali kalsoonida ay ku qabaan Mareykanka ay hooseyso.

Khamiis 18, June 2026 {HMC} Ninka ugu sareeya wdaxaajoodayaasha Iran Maxammad Bagher Ghalibaf, oo la sheegay inuu heshiiska la gaaray maamulka Donald Trump, ayaa sheegay in weli uu jiro kalsooni-darro uu ku qabo Maraykanka, isla markaana Iiraan ay “farteedu saaran tahay keebka qoriga.”

Hadallo uu siiyay warbaahinta dowladda ee Fars ayuu Ghalibaf ku sheegay in xitaa haddii heshiis nabadeed oo kama dambays ah la gaaro, “weli aan lagu kalsoonaan karin.”

“Farteennu waxay saaran tahay keebka, haddii cadowgu uusan fahmin luqadda caqliga, waxaan dib ugu laaban doonnaa luqadda awoodda,” ayuu yiri.

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii Trump uu sheegay in Maraykanku “si xun u duqayn doono” Iiraan haddii aysan u hoggaansamin qodobada heshiiska.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...