Ibrahim Traoré oo War qadaha Aqoonsiga Danjire nimo ka gudoomay Safiirka Soomaaliya u Magacaawday Burkina Faso,

Jimco, June 26, 2026 {HMC} Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha aan deggeneyn ee Soomaaliya u fadhiya Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta guddoonsiiyay Madaxweynaha Burkina Faso, Captain Ibrahim Traoré, Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo .

Ka hor kulanka Madaxweynaha, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Burkina Faso.

Markii uu Danjiruhu warqadaha dhiibay kadib, wuxuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Burkina Faso, isagoo gaarsiiyay salaan gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Burkina Faso ayaa dhankiisa bogaadiyay magacaabista Danjiraha iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay sare u qaadista iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga iyo iskaashiga guud ee labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Dalka Shiinaha.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...