Talaado 6 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku teedsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Intii uu howlgalka socday, Ciidanka Danab ayaa burburiyey goobo ay Khawaariijtu u adeegsan jireen jid-gooyooyin iyo isbaarooyin, kuwaas oo caqabad ku ahaa isu-socodka shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha deegaannadaasi.

