Khamiis 1 October 2026 {HMC} Howlgal amni xaqiijin ah ayaa laga fuliyay deegaannada Kuunyo Afgaduud, Dudumay, Buulo iyo Iyaanle, kuwaas oo hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Booliska Birmadka degmada Wanlaweyn, Dhamme Suleymaan Maxamed Yare, waxaana qeyb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga degmada, Isaaq Nuur.
Howlgalka ayaa lagu xaqiijinayay amniga deegaannadaasi iyo xaaladda guud ee bulshada ku dhaqan, iyadoo ciidamada ay gaareen goobaha howlgalka si ay u hubiyaan amniga iyo xasilloonida deegaanka.

