Arbaco 19 Augt 2026 {HMC} Inkasta oo ay tahay wax aan macquul ahayn in ay dib u soo noolaadaan labadayda waalid, Aabe Maxamed iyo Hooyo Nadiifo, oo u dhintay dalkooda iyo difaaciisa,
Haddana haddii Alle awoddiisa weyn uu manta ii oggolan laha in ay mar kale dunida yimaadan, waxaan shaki iiga jiri lahayn in ay geerida ka dooran lahaayen indho-xumada manta taagan.
Aabbe Maxamed iyo Hooyo Nadiifo:
Maxay dareemi lahaayeen haddii maanta loo sheegi lahaa Booliskii aad dhawr iyo kontonka Sano ku soo jirten ee naftiinna u soo hurteen, ayaa go’aansaday Maanta in carruurtiinna oo hurda, xilli ay tahay 4:00 aroornimo, cagaf lagu dul maro?
Maxay dareemi lahaayeen haddii loo sheegi lahaa in ragga sidaas sameynaya ay yihiin isla kuwii ay shalay ka difaacayen dowladnimada, kuwaas oo maanta saraakiil ahaan uga tirsan Booliska?
Maxay dhihi lahaayeen haddii loo sheegi lahaa in ay yihiin isla kuwii dabka qabadsiiyay oo gubay saldhigyadii Hodan iyo Howlwadag ayaa Maanta boliska ku sharfan?
Maxayse dareemi lahaayeen haddii loo sheegi lahaa in dadaalkii iyo difaaca aad u soo gashen dowladnimadan, iyo nafihi aad u hurten difaaca madaxtoyada oo qarka loo saarnaa Maalintaas ayaa idinku abaal marisay in carruurtiinna ay bannaan ka, meel cidlo ah, jiifaan?
Maxaase anigu dareemayaa maanta?
Anigoo maanta nool, dowladnimadana muddo 18 sano ah u soo dagaallamayay, haddana goob-joog u ah waxyaabahan oo dhan…
Markaas ayaan is leeyahay:
“Dhimashadaa u dhaantay waalidkaa, intaad maanta joogto indho-xumadan aad arkayso.”
Aabbe Maxamed iyo Hooyo Nadiifo, runti waxaad u dhimateen dalkiinna, waxaad u dhimateen dowladnimada, waxaadna naftiinna u hurteen in jiilasha idinka dambeya ay helaan dowlad ay ku faanaan.
Laakiin maanta, su’aashu waxay tahay:
Maxaa laga dhaxlay nafihii aad bixiseen?
Maxaa lagu abaalmariyay carruurtii ay waalidkood naftooda u hureen?
Haddii maanta dowladnimadii aad u dhimateen ay carruurtiinna sidan ula dhaqmeyso, maxay noqon lahayd jawaabtiinnu haddii aad maanta noolaan lahaydeen?
FG: Waxaan dhawaan, haddii Alle idmo, baahin doonaa wareysi aan kaga hadli doono macluumaad intaas ka badan, iyo sheekooyin badan oo qarsoon oo la xiriira ganacsadaha la siiyay dhulkeenna, iyo dhacdooyin kale oo aan weli si faahfaahsan u soo bandhigin.
W/Q Wariye Mustaf Warcadeeye

