Hogaamiye Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ee deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Khamiis 20 Aug 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah ugu sameeyey Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ee deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo xoojinta dowladnimada.

waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa horumarka, amniga, xasilloonida iyo danta guud ee shacabka Koonfur Galbeed, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duubnida mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta iyo dowladnimada Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo nabadda, amniga iyo adeegyada bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Hogaamiye Adan Madoobe oo Isbitaalada ku booqday qaar ka mid ah ciidankii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

Khamiis 20 Aug 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalada la dhigay ku booqday qaar ka mid...