Axad May 31, 2026 {HMC} Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday in la billaabay diiwaangelinta hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ururiya, kaydiya, adeegsada, gudbiya ama shaaciya xogta shaqsiga ah.
Warqad rasmi ah oo ay Hay’addu soo saartay caawa ayay ku sheegtay in diiwaangelintan ay ku saleysan tahaySharciga Dhowrista Xogta.
Hay’addu waxay sheegtay in dhammaan xog-dhowrayaasha iyo xog-adeegsadayaasha ka hawlgala Soomaaliya looga baahan yahay inay u hoggaansamaan waajibka diiwaangelinta, si loo xoojiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo ku dhaqanka sharciga dalka.


