Hawlgal qorshaysan ayaa laga fuliyay deegaanka War Rooti ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Axad 23 Aug 2026 {HMC} Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka War Rooti ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Khawaarijta.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba (2) xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo lagu qabtay howlgalka.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan amniga, ku ilaalinayaan shacabka iyo ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta ee ka jirta deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa adkeynaya in hawlgallada amni-xaqiijinta iyo kuwa qorshaysan ay sii socon doonaan, iyadoo mudnaanta la siinayo amniga shacabka, xasilloonida deegaanka iyo gudashada waajibaadka qaran.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...