Hantidhowraha Guud Soomaaliya maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia.

Arbaco 24.June 2026 {HMCH} Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka Dekedda Muqdisho.

Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda, si loo xoojiyo dabagalka iyo hubinta dakhliga dowladda.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu soo dhoweynayaa wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, isaga oo sii wadi doona doorkiisa ku aaddan horumarinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee hufan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...