Hantidhowraha Guud Qaran oo maanta kulan la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Shirkadda Favori LLC.

Axad 28,June 2026 {HMC} Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, oo ay wehliyaan Saraakiil iyo La-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Shirkadda Favori LLC, Mustafa Durgut, kaas oo lagu gorferyey sidii ay Shirkadda Favori u fulin lahayd talooyinka hantidhowrka ee la xiriiray natiijadii ka soo baxday baaristii horay loogu sameeyey shirkadda, gaar ahaan maamulkeeda dakhliga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dhammaan doodihii lagu soo bandhigay kulanka waxa ay xoojinayeen isla-xisaabtanka, waxa ayna hagaajinayaan warbixinnada maaliyadeed ee shirkadda, isla-markaana waxa ay adkeeynayaan in waqtiga loogu talagalay lagu fuliyo talooyinka hantidhowrka ee ku jiray baarisyadii lagu sameeyey Shirkadda Favori.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in Shirkadda Favori LLC si dhammeystiran u fuliso Heshiiska Dheef-wadaagga ah ee ay kula jirto dowladda Soomaaliya, gaar ahaana in ay xaqiijiso in Hantidhowrayaal madaxbannaan ay baaris sanadle ah ku sameeyaan Warbixinnada Maaliyadeed ee Shirkadda Favori LLC.

Mustafa Durgut ayaa sheegay in ay adkeynayaan sii wadista wada-shaqaynta Xafiiska Hantidhowrka Guud, si ay ugu dambeyn u hirgalaan talooyinka baarista, loona ayido in warbixinta maaliyadeed ee Favori ay noqoto mid daahfuran.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...