Hadal Haayn Xoogan ayaa ka dhalatay Hadal uu toddobaadkii hore jeediyay guddoomiyaha jasiiradaha Socotra ee Dalka Yaman.

Sabti 20, June 2026 {HMC} Dalka Yemen waxaa ka taagan dood xooggan oo ka dhalatay hadal uu toddobaadkii hore jeediyay guddoomiyaha jasiiradaha Socotra, Raafat Al-Thaqali, kaasoo yiri: “Socotra ma aha dhul ay Yemen leedahay.”
Wuxuu sidoo kale is weydiiyay:

“Maxaa caddeynaya in Socotra ay ka tirsan tahay Yemen?” Al-Thaqali kuma uusan ekaan hadalkaas oo keliya, balse intii uu ka hadlayay shir ay yeesheen guddoomiyeyaasha gobollada Yemen ee hoos taga maamulka fadhigiisu yahay Cadan, wuxuu tilmaamay in jasiiradda Socotra masaafada juqraafiyeed ay u dhowdahay Soomaaliya , marka loo eego dhulka Yemen. Hadalladan ayaa dhalisay muran iyo falcelin ballaaran, iyadoo dad badan ay u fasirteen inay muujinayaan rabitaan uu ku doonayo jasiiradahan inay ka madax bannaanato Yemen.

Warbaahinta Yemen, oo uu ku jiro telefishinka Almahriah, ayaa sheegay in Raafat Al-Thaqali uu sanadkii 2020 hoggaamiyay dhaqdhaqaaq militari oo lagu beddelay maamulkii markaas ka jiray Socotra.

Warbixinnadaasi waxay sidoo kale sheegeen in dhaqdhaqaaqaas uu taageero ka helay Dawladda Imaaraadka Carabta, oo wali saameyn ku leh jasiiradahan, ka dib waxaa sannadkii 2022 si rasmi ah loogu magacaabay guddoomiyaha jasiiradahan inuu noqdo, magacaabistaa oo la sheegay inay ku timid cadaadis ay dawladda Imaaraadka Carabtu saartay maamulka Cadan.

Dhanka juqraafiyadda, jasiiradda Socotra waxay qiyaastii 240 kiiloomitir u jirtaa Soomaaliya, marka la joogo xeebaha gobolka Bari ee Puntland, halka ay qiyaastii 380 kiiloomitir u jirto dhulka Yemen.

Markii u dambeysay oo la sheegay inay Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay inay Socotra tahay dhul ay Soomaaliya leedahay, maaddama ay ku taal meel ka baxsan xadduudka Yemen , waxay ahayd sannadkii 2010, balse doodda ma sii socon oo jasiiradahan waxaa loo aqoonsanyahay kuwa ka tirsan Yemen

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...