Golaha Wasiirrada ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa.

Qamiis  09 July 2026 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Niño oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay wajahayso fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cunnada dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaargarowga, tallaabooyinka ka hortagga iyo iskaashiga hey’adaha dowladda, si looga jawaabo, loona yareeyo saameynta El Niño, iyada oo ahmiyadda la saarayo ilaalinta nolosha shacabka, beeraha iyo sugnaanta cuntada dalka.

Shirka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey:

Habraaca Isku-xirka Farriimaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg-degga ah ee la xiriira falalka argagixisada.

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Koofur galbeed oo Howlgal Khasaare Gaarsiiyay Kooxda AS ka Fuliyay Deegaanka Koy’iaan.

Jimco 20 Nov 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga KGS oo Qoraal ka Soo Saartay Howlgal Ciidamada Daraawiishtu ka Fuliyeen Deegaanka Koy’iaan ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada...