Axad 30 Aug 2026 {HMC}Â Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xog ay ku tilmaameen kuwo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qaraxyo isdaba joog ah.
Shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa goluhu kaga hadlay xaaladda amni ee maamulka, gaar ahaan weerarradii iyo qaraxyadii ka dhacay Baydhabo 17-kii Agoosto.
Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in magaalada lagu soo qaaday ku dhowaad 10 qarax oo isugu jiray gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo miinooyin ay wateen dad ismiidaamiyay, kuwaas oo sida uu sheegay maamulka ka dhacay xarumo ciidan iyo goobo kale oo magaalada ka tirsan.
Warbixinta kasoo baxday shirka ayaa lagu sheegay in xogta ay soo gudbiyeen hay’adaha amniga ee Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ay muujinayaan xiriir u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyada uu hoggaamiyo Cabdicasiis.
Maamulka ayaa sidoo kale soo xigtay hadallo iyo wareysiyo uu bixiyay Cabdicasiis iyo afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaas oo, sida ay sheegtay Koonfur Galbeed, baraha bulshada kaga hadlay weerarradii ka dhacay Baydhabo, Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in Cabdicasiis uu wareysi uu bixiyay ku sheegay in cidiamada daacada u ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay si nabad ah ugu wada sugan yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Koonfur Galbeed ayaa arrintaas u fasiratay caddeyn muujinaysa in labada dhinac ay yeesheen isbahaysi iyo dano wadaag, Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Cabdicasiis iyo maleeshiyada uu hoggaamiyo ay hadda si rasmi ah ugu aqoonsan yihiin koox argagixiso ah oo ku biirtay Al-Shabaab.
Maamulka ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay si wadajir ah ula macaamilayaan kooxdaas, sida ay ula macaamilaan kooxaha argagixisada, Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Baydhabo ay kacsan tahay, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in aan loo oggolaan doonin cid kasta inay dano siyaasadeed ama kuwo gaar ah ku gaarto rabshado iyo kooxo hubeysan.
Golaha Wasiirrada ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay kordhiso taageerada amni iyo ciidan ee Koonfur Galbeed, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha sirdoonka iyo amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, Waxa kale oo uu maamulka ka codsaday dowladda federaalka inay qaaddo tallaabooyin sharci iyo amni oo looga hortagayo cid kasta oo ku lug leh ama taageerta falalka uu maamulka ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya amniga qaranka.

