Isniin 12 Oct 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalka ayaa Madaxweyne Xasan ugu digay inuu weerar ku qaado Madaxweyne Shariif iyo madaxda mucaaridka.
Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo aaday xilli ay sii kordhayaan baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo dawladda Federaalka ah inaysan weerarin mucaaridkeeda, si gaar ah guriga Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, oo war uu soo saaray ku sheegay inuu la kulmayo hanjabaad weerar oo toos ah.

