Golaha Mustaqbalka ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo doonaya in la mideeyo awoodda mucaaridka dalka, si ay u helaan xubnaha u badan ee Guddiga Jihaynaya Doorashada Federaalka oo noqoneysa mid toos ah, ka dib dhexdhexaadin ka timi Beesha-caalamka oo aragtiyada dhinacyada DFS & Mucaaridka isugu geeyey; Doorasho toos ah oo leh hal gudddi doorasho.
Villa-Somalia ayaa iyadu Beesha-caalamka u sheegtey in xisbiyada ay hoggaamiyaan MH.Farmaajo & RWH.Cumar Cabdirashiid ay dhankeeda yihiin ayna xaq u leedahay aqlabiyadda Guddiga Jihaynaya Doorashada, tan oo keentey in Golaha GMS ay wada-hadallo la furaan siyaasiyiinta ay kolkii hore diidayeen.
DFS iyo Mucaaridka ayaa hadda isla oggol aadista doorasho toos ah oo leh hal guddi, waxa se laysku mari la’ yahay; Cidda yeelanaysa awoodda guddiga & waqtiga doorashada, iyada oo MW Xasan Shiikh ku adkaysanayo in uu dhammaysto sannadka dheeriga ah ee Dastuurka cusub, halka mucaaridka ay doonayaan in la galo doorashada ka hor bilowga sannadka 2027.

