Gantaalada Difaaca Mareykanka oo Yaraaday iyo Trump oo lagula taliyay in uu Joojiyo Dagaalka IIraan.

Axad 26 July 2026 {HMC} Taliyaha Taliska ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, Admiral Brad Cooper, ayaa Madaxweyne Donald Trump kula taliyay in la hakiyo duqeymaha Mareykanka ee ka socda agagaarka Marinka Hormuz, sida ay Axios u sheegeen laba qof oo arrinta xog-ogaal u ah.

Cooper ayaa la sheegay inuu ku dooday in ololaha militari uu gaaray heer aysan duqeymo dheeraad ah wax badan ka beddeli karin xaaladda. Taladiisa, oo ay wehliyeen talooyin ay bixiyeen saraakiil kale, ayaa qeyb ka noqotay go’aankii Trump ee Jimcihii lagu hakiyay weerarrada ka dhanka ah Iiraan.

Dhanka kale, Taliyaha Guud ee Talisyada Ciidamada Mareykanka, General Dan Caine, ayaa ka digay in Mareykanku uu wajahayo yaraansho ku saabsan qaar ka mid ah gantaallada difaaca ee loo isticmaalo qabashada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay warisay Axios.

Caine ayaa sheegay in haddii keydka gantaallada difaaca uu sii yaraado, ay adkaan karto in si buuxda loo ilaaliyo ciidamada Mareykanka iyo saldhigyadiisa ku yaalla Bariga Dhexe.

Arrintan waxay muujineysaa in go’aanka lagu hakiyay duqeymaha Iiraan uusan ku saleysneyn oo keliya siyaasadda, balse sidoo kale ay jireen walaacyo militari oo ku saabsan waxtarka duqeymaha iyo awoodda Mareykanka uu ku sii wadi karo difaaca ciidamadiisa gobolka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...