FESOJ iyo Independent House oo qabtay Dood ku saabsan Hannaan Doorasho oo loo dhan Yahay.

Khamiis 20 Aug 2026 {HMC} FESOJ iyo Independent House ayaa xarunta Arkaan Leadership and Innovation ku qabtay dood dadweyne oo ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socday bulshada rayidka ah.

Doodda ayaa lagu falanqeeyay xaaladda doorashooyinka Soomaaliya, aragtiyaha kala duwan ee hannaanka doorashada, iyo dadaallada bulshada rayidka ah ee lagu dhiirrigelinayo geeddi-socod doorasho oo loo dhan yahay.

Xoghayaha Guud ee FESOJ, Faarax Cumar Nuur, oo furay kulanka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay saxafiyiintu u leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka, isaga oo ku boorriyay inay bulshada gaarsiiyaan tebinta saxda ah, dheellitiran, oo xog-ogaalnimo ku dhisan. Wuxuu sidoo kale xusay in warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadan karto dhiirrigelinta wadahadalka, ka qaybgalka bulshada iyo fahamka arrimaha doorashooyinka.

Ka qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo heli lahaa doorasho loo dhan yahay, caqabadaha hortaagan, iyo kaalinta bulshada rayidka ah ee isu soo dhoweynta aragtiyaha kala duwan.

Kulanka ayaa adkeeyay baahida loo qabo wadahadal furan iyo iskaashi horseeda hannaan doorasho oo xoojiya matalaadda bulshada, dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha...