Faransiiska oo xaqiijiyay in bukaankii laga helay Ebola uu ka bogsaday

 Axad 05, Luulyo, 2026 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka Faransiiska ayaa sheegtay in Dhaqtarkii laga helay cudurka Ebola uu ka bogsaday dibna ugu laabtay gurigiisa, bayaanka ayaa lagu xusay in daryeel caafimaad oo dhammaystiran loo fidiyay isla markaana karaantiil la geliyay.

Wasiirka Caafimaadka & Arrimaha Qoyska Faransiiska, Stephanie Rist ayaa sheegtay in Dhaqtarkaan uu cudurka kasoo qaaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Conto mana lagu arkin calaamadaha lagu garto qofka cudurkaas uu ku dhaco ilaa dib laga ogaaday.

Dhaqtarka ayaa Faransiiska ku tagay Diyaaradda Dalkaas ee Air France, markii la baaray ma jirin qandho iyo calaamado kale oo lagu garto qofka uu ku dhacay Cudurka Ebola, waxa uu maray karaantiilka saacadaha kooban ah mana jirin isbaddel ilaa dib looga helay cudurka.

Cudurka Ebola oo usoo laba kacleeyay ayaa galaaftay nolosha boqollaal ruux oo intooda badan ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaa baaris adag la mariyaa Dadka ka safra Qaaradda Afrika si looga feejignaado faafitaanka cudurkaas.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...