FAAH FAAHIN Iska hor imaad ka dhacay Koontoroolka Garowe.

Isniin 22, June 2026 {HMC} Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah oo la sheegay in uu lahaa siyaasi Maxamuud Mashruuc kana yimid gobolka Bari ayaa galabta isku rasaaseeyay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.

Israsaasaynta ayaa sababtay dhaawaca ilaa saddex ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc oo markii dambe dib u laabtay, iyaga oo la sheegay in ay dhaafeen tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal.

Siyaasi Maxamuud Mashruuc wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee hubaysan, islamarkaana xiriirka la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa saaka kantaroolka bari ee magaalada Garoowe gaysay ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland, halka ay hore ciidamo u gaysay kantaroolada koonfureed iyo waqooyi ee Garoowe.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...