Arbaco 7 October 2026 {HMC} Eriteriya ayaa diiddey in ciidan keedu gudaha u galeen Itoobiya, iyada oo Wasiirka Warfaafinta, Yemane Meskel uu sheegey in Addis Ababa ay dooneyso in au xoog ku gaadho Badda-cas.
Xiisadda labadan dal oo colaad-dheer soo maray ayaa saameyn toos ku yeelanaysa Geeska Afrika.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Itoobiya ay si cad u kordhinayso hadallada iyo tallaabooyinka la xiriira dagaal, isagoo ku eedeeyay Addis Ababa inay doonayso inay gaarto dekedda Casab (Assab), isla markaana ay isku fidiso xeebaha Eritrea.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay:
Itoobiya waxay si cad u hurinaysaa dagaal.
Itoobiya waxay doonaysaa inay gaarto Casab, isla markaana ay saameynteeda ku fidiso xeebahayaga.
Itoobiya waxay samaynaysaa eedeymo aan sal lahayn oo ka dhan ah Eritrea, si ay ugu marmarsiiyo ugu hesho dagaal ay ku soo qaaddo Eritrea.

