Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta sii Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Axad 19 Luulyo 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Baarlamaanka dalkaas codsi uu ku dalbanayo in laba sano lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Qoraalka codsiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana kordhinta muddada howlgalka ay u saamaxeyso ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta iyo khataraha kale ee amniga.

 

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale xustay inay tan iyo sanadkii 2011 si joogto ah ula shaqeyneysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo bixisay tababar ciidan, latalin iyo taageero farsamo oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Codsiga ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Turkiga ka codsatay inuu sii wado taageerada dhinaca militariga, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga biyaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Haddii Baarlamaanka Turkigu ansixiyo codsigan, muddada oggolaanshaha ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa laba sano oo kale la kordhin doonaa marka uu dhammaado waqtiga hadda jira ee ku eg 27-ka Luulyo 2026.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...