Duqeyn lagu dilay Afar qof oo watay Doon xeebta Gobolka Nugaal.

Talaado 18 Augst 2026 {HMC} Duqeyn maanta gelinkii dambe ka dhacday deegaan xeebeedka Suuj degmada Dangorayo ee gobol Nugaal ayaa lagu dilay afar nin, halka lagu dhaawacay labo kale.

Ragga dhintay ayaa saarnaa laash ka soo caariyay xeebka, sida uu qof deegaankaas ku sugan u sheegay Warbaahinta deegaanka, welina lama oga cidda gaysatay duqeynta.

Deegaanka Suuj iyo Garmaal waxaa ku xiran saddex markab oo ay haystaan kooxo burcad-badeed ah, kuwaas oo uu ku jiro mid shalay la qabsaday oo wararka qaar sheegayaan in uu leeyahay Turkiga.

Weli lama oga ragga duqeynta lagu dilay in ay yihiin burcad-badeed iyo in ay yihiin dadka noloshoodu ku tiirsantahay wax-soo-saarka badda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Koofur galbeed oo Howlgal Khasaare Gaarsiiyay Kooxda AS ka Fuliyay Deegaanka Koy’iaan.

Jimco 20 Nov 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga KGS oo Qoraal ka Soo Saartay Howlgal Ciidamada Daraawiishtu ka Fuliyeen Deegaanka Koy’iaan ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada...