Duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay CXDS gobolka Shabeellada Hoose .

Talaado, Juun 30, 2026 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in duqeymo ka dhan ah AS ay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee nuucooda yahay F-16.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in duqeymaha ay ka dhaceen gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan xaruumo ay AS ku leeyihiin deegaanka Godey.

Sida ay sheegtay Wasaarada waxaa Duqeymaha lagu dilay 35 ruux oo ka tirsan AS, halka tiro kale la dhaawacay, balse ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara sheegashada Wasaaradda Difaaca.

Sidoo kale, Bayaanka waxaa lagu sheegay in la duqeeyay qaar kamid ah xarruumo ay hub iyo qaraxyo ugu keydsanaayeen AS, balse lama oga ilaa hadda khasaaraha gaarey goobahaasi.

Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Dowladda Turkiga ee ka taageertay duqeymahan, iyadoo tilmaamtay in ay taageerayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa kamid ah Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dagaalka AS, gaar ahaan dhinaca duqeynaha cirka ah iyo tababarada ciidamada qalabka sida.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...