Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya.

 

Arbaco 17, June 2026 {HMC}Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka gaysanayso Koonfurta Lubnaan Subaxnimadii Arbacada, inkasta oo digniino ay kasoo baxayaan dhanka Iiraan oo ah in Israa’iil ay wajihi doonto wax ay ugu yeertay jawaab adag haddii aysan joojin weeraradaasi.

Warbaahinta Lubnaan ayaa tabisay in weerarada habeenimo lagu fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiicda lala beegsaday dhowr magaalo.

Talaadadii milatariga Iiraan ayaa sheegay Israa’iil ay ku xadgubtay xabbad-joojinta 84 mar labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Isaga oo ka hadlayay kulanka G7 Donald Trump ayaa cambaareeyay Israa’iil isaga oo sheegay jawaabta ay siinayaan Xisbullah ay tahay mid aan dheeli tirnayn.

Heshiiska ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan ayaa la sheegay inuu ku jiro in lagu daro heshiis lagu joojinayo dagaalka Lubnaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...