Dowladdaha Yurub oo Muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan Sacuudiga.

Sabti 10 Oct 2026 {HMC} Dowladaha Jarmalka iyo Spain ayaa muwaadiniintooda ku booriyay inay ka fogaadaan Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid ee Riyadh sababtoo ah “xaaladda hadda jirta” iyo weerarrada kooxda Xuutiyiintu ay ku qaadeen Sucuudiga.

Safaaradda Jarmalka ee Riyadh ayaa bayaan kooban oo ay la wadaagtay muwaadiniinteeda ku sheegtay inay “si adag ugula talinayso” muwaadiniinta inay ka fogaadaan gaadiidka garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale, safaaradda dowladda Spain waxay dhankeeda uga digtay muwaadiniinta inay “qaadaan taxaddar aad u daran” oo ay “ka fogaadaan safarrada aan muhiimka ahayn” kuwaas oo lagu tagayo Sucuudiga.

Digniin hore oo ka timid Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid ee Caalamiga ah ayaa ku boorrisay dadka safarka ah inay xaqiijiyaan xaaladdooda duulimaad ka hor inta aysan tagin garoonka diyaaradaha, iyagoon bixin faahfaahin dheeraad ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka.

Sabti 10 Oct 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII...