Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Dowladda Yemen ayaa sheegtey in Soomaali ka barbar dagaallamayso oo ku jirto kooxda Xuutiyiinta, sida ay qortay jariiradda TheNational oo intaasi ku dartay in uu jiro xidhiidh koraya oo ka dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta Yemen & AS.
Waxa la heley tiro meydad Soomaali ah oo dhintay, intii uu socday dagaal ciidamada iskacaabinta Yemen & dowladda caalamku aqoosan yahay ee Yemen ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta oo iyadu xidhiidh la leh Iiraan & xulafadeeda Lubnaan.

