Talaado 8, Sep 2026 {HMC} War kasoo baxay Dowladda Yemen ayaa lagu sheegay in dagaal ka dhacay dalkaas lagu dilay xubno katirsan AS oo Soomaali ah kuwaas oo maydadkooda lagu arkay Xeebaha Galbeedka Dalkaas sida hadalka loo dhigay.
Yemen ayaa tilmaamtay in dagaalka ay la gashay kooxaha Xuutiyiinta ah ay ku gaarsiisay khasaara xooggan iyada oo ka dishay Dagaalamayaal badan oo isugu jira Muwaadiniin u dhashay Dalkaas iyo kuwo Ajaanib ah.
Arrintaan waxa ay xoojinaysaa warbixin dhowaan kasoo baxday Hay’adda Cilmi-baarista Siyaasadeed samaysa ee Century Foundation ee fadhigeedu yahay Maraykanka oo sheegtay in Xuutiyiinta Yemen iyo AS ay isku milmeen.
Warbixintaas waxa ay muujisay in sannadkii 2024 ay AS Xoogga saareen sidii ay Xuutiyiinta uga heli lahaayeen Diyaaradaha Duulliye la’aanta ah ee weerarrada qaraxyada ah loo adeegsado inkasta oo aan la shaacin in dalabkaas la aqbalay iyo in kale.
Dhacdadaan ayaa markale indhaha caalamka usoo jeedisay Geeska Afrika maadaama Soomaaliya iyo Yemen ay isaga kala gudbaan Badda u dhaxaysa, waxaana sanadihii u dambeeyay aad isugu milmay labada Bulsho.

