Dowladda Soomaaliya oo sheegtey in ay toos uga hortegeyso tallaabo kasta oo aqoonsi ku heli karto Somaliland.

Axad 30 Aug 2026 {HMC} Dowladda Federaalka ayaa sheegtey in ay toos ula xiriiireyso Dowladda Mareykanka isla markaasna ka-hortegeyso tallaabo kasta oo aqoonsi oo ay heli karto Somaliland, sida uu wargeyska Sharqu-awsad u sheegey Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dubedda JFS, Cali Cumar oo Dowlaha Carabta ugu baaqay in ay adeegsadaan xiriirkooda iyo saameyntooda, isla markaasna ka-hortagaan in aqoonsiga Israa|| ee Somaliland keeno aqoonsiyo kale oo caalami ah.

DFS waxa ay sheegtey in ay si adag u wajahayso dowlad kasta oo isku-dayda in ay qaybiso Soomaalida ama saldhig ka dhigata dalkeeda, iyada oo aan fasax ka haysan Muqdisho.

Tani waxa ay imanaysaa xilli dhawaan lagu wado in Madaxweynaha SL, Cirro uu booqasho ku tago Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...