Dowladda Soomaaliya oo sheegtey in ay toos uga hortegeyso tallaabo kasta oo aqoonsi ku heli karto Somaliland.

Axad 30 Aug 2026 {HMC} Dowladda Federaalka ayaa sheegtey in ay toos ula xiriiireyso Dowladda Mareykanka isla markaasna ka-hortegeyso tallaabo kasta oo aqoonsi oo ay heli karto Somaliland, sida uu wargeyska Sharqu-awsad u sheegey Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dubedda JFS, Cali Cumar oo Dowlaha Carabta ugu baaqay in ay adeegsadaan xiriirkooda iyo saameyntooda, isla markaasna ka-hortagaan in aqoonsiga Israa|| ee Somaliland keeno aqoonsiyo kale oo caalami ah.

DFS waxa ay sheegtey in ay si adag u wajahayso dowlad kasta oo isku-dayda in ay qaybiso Soomaalida ama saldhig ka dhigata dalkeeda, iyada oo aan fasax ka haysan Muqdisho.

Tani waxa ay imanaysaa xilli dhawaan lagu wado in Madaxweynaha SL, Cirro uu booqasho ku tago Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...