Dowladda Soomaaliya oo qatar la saxiixday Heshiis Dib u dhis ah .

Khamiis 27 Aug 2026 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa Qatar kala heshiisay taageero la xiriirta dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliya, iyadoo heshiis is-afgarad ah (MoU) la filayo in dhawaan lala saxiixdo Qatar Leadership Centre (QLC).

QLC waa xarun ku taalla Doha oo diiradda saarta horumarinta hoggaamiyeyaasha, tababarka madaxda iyo sare u qaadista awoodda hay’adaha dowladda. Xaruntu waxay bixisaa barnaamijyo loogu talagalay madaxda sare, shaqaalaha dowladda iyo hoggaamiyeyaasha soo kacaya.

Heshiiskan ayaa muhiim u noqon kara dhisidda Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliya, taas oo noqon karta xarun lagu horumariyo xirfadaha hoggaamineed, maamulka dowliga ah iyo tayada shaqaalaha hay’adaha dowladda, iyadoo qayb ka noqonaysa ajandaha isbeddelka qaran ee Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...