Dowladda Soomaaliya oo muddo dheer kaddib ku guuleysatay in kooxda AS Lagasaaro inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye.

Sabti, 29, August 2026 {HMC} Ciidanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib ku guuleysatay inay nadiifiso deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye, kuwaas oo muddo dheer saldhig u ahaa howlgallada kooxda argagixisada ee Al shabaab

Deegaannadan ku teedsan Wabiga Shabeelle ayaa kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada. Qabsashadooda waxay xambaarsan tahay guul weyn oo ciidamada Soomaaliya gaareen, iyadoo dagaalladii ka dhacay aaggaas ay horey ugu dhinteen saraakiil caan ah, oo uu ka mid ahaa AUN General Farxaan Qaroole.

Haddii ciidamada dowladda ay sii joogteeyaan gacan-ku-haynta deegaannadan, waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda AS ee deegaanada ku dhow Magaalada Muqdisho.

Horay waxaa ay Dowladda Soomaaliya u nadiifiyay oo ay Kooxda Al shabaab ka saareen wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha...