Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Masar ayaa Soomaaliya ka codsatay in la dardargeliyo dadaallada lagu sii daynayo badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu hayo meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale adkaysay taageerada ay u hayso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Arrintan ayaa ka soo baxday kulan magaalada Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qurbajoogta Masar Badr Abdelatty iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali.
Kulanka ayaa dhacay intii lagu guda jiray shirka 166-aad ee Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ka socday caasimadda Masar.
Wasiir Abdelatty ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya uu sameeyay horumar weyn, isagoo caddeeyay in Qaahira ay doonayso in la sii horumariyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo maalgashiga.
Wuxuu sidoo kale mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Masar ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo dhuleednimada Soomaaliya, iyo ilaalinta hay’adaha qaranka, isagoo sheegay in Masar ay si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dhulka Soomaaliya ama hoos u dhigaysa madaxbannaanideeda.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo xoojinta awooddooda.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lala shaqeeyo bahwadaagta caalamiga ah si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu taageero howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo ka-qaybgalka Masar ee howlgalka.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Abdelatty ayaa sidoo kale codsaday in la sii wado dadaallada lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu hayo meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, lana xaqiijiyo ammaankooda.
Masar ayaa sidoo kale Soomaaliya ka dalbatay inay sii waddo ka-qaybgalka dadaallada lagu xallinayo xaaladda badmaaxiintaas iyo in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa sii deyntooda.

