Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay Qaladkii Gudoomiyaha Golahaha Shacabka uu ka galay Dalka Qubrus.

Jimco , 21 August 2026 {HMC}  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed ay ku caddeysay in mowqifka rasmiga ah ee Soomaaliya ee arrinta Qubrus uusan waxba iska beddelin. Warsaxaafadeedka ayaa yimid saddex maalmood kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu uga mahadceliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyiga Qubrus, Ziya Öztürkler, hambalyo uu u diray kadib doorashadiisa.

Fariinta Guddoomiyaha markii hore waxaa lagu baahiyay bogga Golaha Shacabka, balse hadda waa laga saaray, inkastoo ay weli ku jirto barta gaarka ee X uu ku leeyahay guddoomiyaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa ay hadda sheegtay in fariintaasi aysan ka tarjumayn siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya aysan aqoonsanayn maamulka Waqooyiga Qubrus.

Waxay sidoo kale dib u xaqiijisay in Soomaaliya taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus.

Haddaba, waxa dhacdadan ka dhalanaya ma aha oo keliya dood ku saabsan fariin uu Guddoomiyuhu diray. Waxay soo bandhigaysaa su’aal muhiim ah oo ku saabsan sida hay’adaha dawladda Soomaaliya uga wada shaqeeyaan arrimaha dibadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu xiriir la yeelan karaa baarlamaannada dalalka kale, laakiin marka arrintu taabato khilaaf diblomaasiyadeed oo xasaasi ah sida Qubrus, waxaa muhiim ah in xiriirkaas lagu saleeyo siyaasadda guud ee dawladda.

Mas’uuliyadaa oo ku dhacaysa wasaaradda arrimaha dibadda oo laga doonayo xiriirrada dibadda ee ay sameynayaan hay’adaha dawladda inay isku-dubarido , si loo waafajiyo mowqifka ama istaraatijiyada arrimaha dibadda ee dalka,haddii isku-dubaridkan uu meesha ka baxana waxaa si fudud u dhalan kara fariimo is khilaafaya oo dhaawacaya kalsoonida ay dalalka kale ku qabaan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan marka ay dhacdadu ku saabsan tahay dalal iyo arrimo ay ku loollamayaan quwado waaweyn.

Qubrusna ma aha arrin caadi ah. Turkiga wuxuu u arkaa arrinta Qubrus mid ka mid ah qaddiyadaha ugu xasaasisan ee siyaasadiisa dibadda. Soomaaliya dhanka kale waxay Turkiga la leedahay xiriir aad u ballaaran oo dhinacyada amniga, militariga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah. Jamhuuriyadda Qubrusna waa xubin ka tirsan Midowga Yurub.

Sidaas darteed, hal fariin oo u muuqata mid hambalyo iyo mahadcelin ah ayaa yeelan karta fasiraad ka duwan marka laga eego dhinaca diblomaasiyadda.

Xaaladan waxaa kaloo ay dib usoo celinaysaa in la is waydiiyo; Soomaaliya ma leedahay siyaasad arrimo dibadeed oo hay’adaha dawladda oo dhan ay wada fahamsan yihiin oo ay ku shaqeeyaan?

Haddii ay jirto siyaasad mideysan, waa in Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale ee dawladda mowqif mideysan ka yeeshaan arrimaha noocan ah ka hor inta aysan fariimahoodu bannaanka u bixin.

Sidoo kale, waqtiga ay Soomaaliya ka soo baxayaan mowqifyo is khilaafsan ma aha mid ku habboon. Loollanka u dhexeeya Qubrus, Giriigga iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo uu dhismay isbahaysi ay hoggaaminayso Israa’iil oo Qubrus ay qayb ka tahay, kaas oo si weyn uga soo horjeeda ballaarinta saameynta Turkiga ee Bariga Mediterranean-ka ilaa Geeska Afrika, oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Screenshot

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Puntland oo War ka soo saartay Weerarada ka dhanka ah Burcad badeednimada.

Jimco , 21 August 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada lagu ciribtirayo burcad-badeednimada ka soo cusboonaatay xeebaha Puntland, iyadoo tilmaantay...