Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya.

Sabti 4 July 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa qaraxii argagixisanimo ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh la wadaagaysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxayna u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacmay in uu Alle siiyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag buuxa la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta Suuriya xilligaan adag, waxayna mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...