Sabti 3 October 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa Muqdisho ka soo dajisay 8 Badmaax oo laga soo daayay Kooxaha Burcad-badeeda oo Xeebaha Maamulka Puntland ku hayay tan iyo bishii March ee sannadkan.
8 ruux ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ka dagaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Qaahira ee dalka Masar, si ay ula midoobaan eheladooda.

