Talaado 2 June 2026 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa warbixin u gudbisay Kongareeska, taas oo lagu qiimeeyay fursadaha lagu ballaarin karo xiriirka Somaliland.
Warbixinta ayaa caddeysay in Maraykanku weli aqoonsan yahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, balse uu Somaliland u arko saaxiib suurtagal ah oo dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah.
Warbixinta ayaa xustay in Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay si joogto ah booqashooyin ugu tagto Somaliland si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga, gargaarka bani’aadannimada iyo dhaqaalaha, iyadoo safarradaasi lagu fuliyo habraacyo amni oo la mid ah kuwa Soomaaliya inteeda kale. Tan ayaa ka dhigan in ay meesha ka baxday aqoonsi Somaliland ka raadinaysay Maraykanka.
Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland ee marin-biyoodka Bab al-Mandab, doorka ay ka qaadan karto la dagaallanka argagixisada, iyo fursadaha maalgashi ee ka dhalan kara horumarinta dekedda iyo garoonka Berbera.
Hase yeeshee, Maraykanku wuxuu sheegay in muranka siyaasadeed ee xaaladda Somaliland iyo caqabadaha amni ay weli saameyn ku leeyihiin maalgashiga, adeegyada bangiyada iyo ganacsiga.
Maraykanka gaar ahaan AFRICOM ayaa si la mid ah Soomaaliya inteeda kale kala shaqaynaysa la dagaalanka AS iyo Daacish maadaama ay dhacdo meel lagala socon karo xiriirka ururada hubaysan iyo Xuutiyiinta.


