Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa ku adkaysatay in weli isbaddelin mowqifkeeda ku saabsan midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya iyada oo meesha ka saartay wararka la isla dhexmarayay ee ah in Maamulka Trump uu Israa’iil ku raacay xadgudubkii uu ku sameeyay Soomaaliya 25kii December sannadkii hore ee 2025.Download Interactive Maps
Afhayeen u hadlay Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in mowqifka Madaxweyne Donald Trump iyo guud ahaan Dowladdu uu halkisii yahay isla markaana aanay jirin isbaddel ku yimid, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay in Washington ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed oo Hoggaamiyahooda Cabdiraxmaan Cirro uu hadda ku sugan yahay Dalkaas.Maraykanka ayaa kol hore Maamulka Israa’iil ku diiday in uu ku raaco tallaabooyinkii xadgudubka ku ahaa midnimada, madaxbannaanida & wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xukuumadda Washington ayaa tilmaamtay in Waqooyi Galbeed ay u aqoonsan tahay inay tahay qayb kamid ah Soomaaliya.
Israa’iil oo ku keli noqotay faragelintaas waxa ay cadaadis iyo falcelin culus kala kulantay Soomaaliya, Dalal badan oo Caalamka ah, Ururro kala duwan iyo kuwa ay xubnaha ka tahay Soomaaliya iyaga oo qaatay mowqif adag oo muujinaya in ay dhinac taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

