Dowladda Maraykanka ayaa ku adkaysatay in weli isbaddelin mowqifkeeda ku saabsan midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya

Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa ku adkaysatay in weli isbaddelin mowqifkeeda ku saabsan midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya iyada oo meesha ka saartay wararka la isla dhexmarayay ee ah in Maamulka Trump uu Israa’iil ku raacay xadgudubkii uu ku sameeyay Soomaaliya 25kii December sannadkii hore ee 2025.Download Interactive Maps

Afhayeen u hadlay Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in mowqifka Madaxweyne Donald Trump iyo guud ahaan Dowladdu uu halkisii yahay isla markaana aanay jirin isbaddel ku yimid, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay in Washington ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed oo Hoggaamiyahooda Cabdiraxmaan Cirro uu hadda ku sugan yahay Dalkaas.Maraykanka ayaa kol hore Maamulka Israa’iil ku diiday in uu ku raaco tallaabooyinkii xadgudubka ku ahaa midnimada, madaxbannaanida & wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xukuumadda Washington ayaa tilmaamtay in Waqooyi Galbeed ay u aqoonsan tahay inay tahay qayb kamid ah Soomaaliya.

Israa’iil oo ku keli noqotay faragelintaas waxa ay cadaadis iyo falcelin culus kala kulantay Soomaaliya, Dalal badan oo Caalamka ah, Ururro kala duwan iyo kuwa ay xubnaha ka tahay Soomaaliya iyaga oo qaatay mowqif adag oo muujinaya in ay dhinac taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...