Sabti 8 Aug 2026 {HMC} Dowladda Koonfur Afrika Oo sheegtay in ay dalkeeda ka masaafurisay in ka badan 77,000 qof oo ajaanib ah oo aan haysan dukumentiyo sharci ah.
Ololaha adag ee dowladda Koonfur Afrika ay kula dagaallamayso socdaalka aan sharciyeysneyn ayaa weli socda.
Dowladdu waxay sheegtay in 77,184 qof oo ajaanib ah oo aan haysan dukumentiyo sharci ah dib loogu celiyay dalalkoodii, ilaa 3 Agoosto 2026.
Sidoo kale Dowladdu waxay sheegtay in howlgallada xoojinta sharciga socdaalka ay sii socon doonaan, balse waxay ku adkaysanaysaa in hawlgalladu noqon doonaan kuwo sharci ah, bani’aadannimo ku dhisan, isla markaana waafaqsan Dastuurka Koonfur Afrika.

