Doorashada Hoggaanka KGS oo ka bilaabatay Baydhabo iyadoo uu weli ka maqan yahay mid ka mid ah musharraxiinta ugu waaweyn, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Arbaco, 10 June 2026 {HMC}Doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Baydhabo, iyadoo uu weli ka maqan yahay mid ka mid ah musharraxiinta ugu waaweyn, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Cabdicasiis Maxamed Jawaari oo ka mid ahaa musharraxiinta cabashada ka qabay habsami-u-socodka doorashada ayaa gaaray hoolka doorashada, inkastoo wararku sheegayaan in shuruudihii iyo dalabaadihii ay hore u gudbiyeen isaga iyo Shariif Xasan aan waxba laga fulin.

 

Arrintan ayaa sii xoojinaysa aragtida ay qabaan qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda ee ah in doorashadu u socoto jihadii ay dowladda federaalku doonaysay, iyadoo indhaha badankoodu ku jeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ah musharrax dowladda ee guusha loo rabo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...