Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Haaretz ayaa saaka baahisay warbixin xasaasi ah oo sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu qiyaastii 10 maalmood ka hor weerarkii 7-da Oktoobar helay digniin toos ah oo uga timid Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan (MBZ).
Sida warbixintu sheegtay, MBZ ayaa Netanyahu uga digay in hoggaamiyaha Hamas, Ya-ya Swr, uu diyaarinayay hawlgal weyn oo ka dhan ah Israel. Hase yeeshee, Netanyahu ayaa la sheegay inuusan digniintaas u gudbin madaxda hay’adaha amniga Israel.
Digniinta ayaa la sheegay inay ka dhalatay xiriir qarsoodi ah oo Israel iyo H,as ay si hoose ugu wadahadlayeen xabbad-joojin ku-meel-gaar ah iyo is-weydaarsiga maxaabiis iyo meydadka la haysto intii lagu jiray 2023, iyadoo Netanyahu uu arrintaas ka warqabay, balse wada-hadallada dhowr jeer dib loo dhigay.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in markii Swar uu horraantii Sebtembar 2023 uu laba jeer diray digniin ah in H,m,s ay diyaarinayso waxa uu ku tilmaamay “zilzal”, oo macnaheedu yahay “dhulgariir”.
Digniinta ayaa la sheegay inay gaartay Shin Bet 15-kii Sebtembar, taasoo sababtay shirar amni oo dhacay 17-kii Sebtembar iyo 1-dii Oktoobar, balse aan laga qaadin tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ka hortagi kara weerarka.

