Diblomaasi u dhashay Iiraan oo daaha ka qaaday xilli ay Iiraan si dhow ula shaqeysay Mareykanka.

Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Diblomaasi u dhashay Iiraan,Maxamed Saadiq Kharaazi ayaa maanta daahqaaday xilli ay Iiraan si dhow ula shaqeysay Mareykanka oo ay ku caawisay dagaal.

Wuxuu yiri; “Iiraan waxay garoommadeeda diyaaradaha u furtay Maraykanka, waxayna ka caawisay dagaalkii Afgaanistaan, xitaa dhiig ayay ugu deeqday.

Qiyaastii bil iyo bar kadib markii Xamiid Karzaai uu noqday madaxweynaha Afgaanistaan, madaxweynihii Maraykanka George W. Bush ayaa Congress-ka la hadlay, wuxuuna bilaabay inuu Iiraan si adag u dhaleeceeyo, isaga oo ku daray waxa uu ugu yeeray dhidibka sharka.
Laakiin bal eeg waxa yaabka leh.

Waqtigaas, waxaan garoommadeenna diyaaradaha ee gobolka Sistan u furnay ciidamada Maraykanka, si ay ugu isticmaalaan xaaladaha degdegga ah.

Waxaan Maraykanka siinay caawimo iyo adeegyo kala duwan, xitaa waxaan gaarnay heer aan dhiig ugu deeqno.

Maraykanku wuxuu wixii aan u qabannay kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar iyo intii uu dagaalku ka socday Afgaanistaan u arki karay fursad weyn oo lagu hagaajin karo xiriirka Iiraan iyo Maraykanka.

Laakiin taa beddelkeeda, xiriirku wuxuu noqday mid sii xumaada.

Taasi waxay igu dhalisay inaan aaminsanaado in ay jireen quwado qarsoon oo aan doonayn in xiriirka Iiraan iyo Maraykanku hagaago.
Waxaan aaminsanahay in Israa’iil iyo kooxaha cadaadiska ee Yuhuudda ay ka mid ahaayeen quwadahaas.

Fursaddu dhab ahaantii way jirtay. Maraykanku wuxuu isticmaali karay iskaashigii Iiraan ay la samaysay dagaalkii Afgaanistaan si uu bog cusub uga furo xiriirka labada dal, laakiin waxay doorteen waddo kale.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

UK oo madaxda Soomaaliya ugu baaqday wada-hadal lagu xoojinayo midnimada dalka

Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeill, ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay yeeshaan wada-hadal wax dhisaya oo...