Dibadbaxayaal Iyo Ganacsato Ajaanib Ah Oo Isku Dhacay Dalka Koonfur Afrika.

Jimco, 24 July, 2026 {HMC} Dibadbaxayaal Iyo Ganacsato Ajaanib Ah Oo Isku Dhacay Bartamaha Magalad Vereeniging
Booliska Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah farageliyay kadib markii qaar ka mid ah muwaadiniinta Koonfur Afrika ay isku dhaceen ganacsato ajaanib ah magaalada Vereeniging ee gobolka Gauteng.

Koox ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan dib uga laaban doonin mudaharaadyadooda ilaa ajaanibtu ay ka baxaan magaalada kuna laabtaan dalalkooda.

Dibadbaxayaasha ayaa xiray waddooyin iyagoo ku gubay taayirro islamarkaana dhigay dhagxaan.

Sidoo kale, baabuurro iyo dukaamo ay leeyihiin ajaanib ayaa la sheegay in daaqadahooda la jebiyay.
Isku dhacyada ayaa sababay in labada dhinac ay isku tuuraan dhagxaan bartamaha magalada vereeniging (CBD).

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha Koonfur Afrikaanka ah, Jabu Mahlangu oo la hadlay telefishinka qaranka ee SABC NEWS ayaa yiri:
“Muhaajiriinta waa inaysan ganacsiyo ka maamulin deegaannadeenna iyadoo ay jirto saboolnimo baahsan.

Tani waa mid ka mid ah meelaha ugu saboolsan gobolka Gauteng, mana aqbali karno in ajaanibtu lacagta ka sameeyaan halkan kadibna u diraan dalalkooda.

Dadka Vaal waxay leeyihiin waa nagu filan tahay. Tani ma noqon doonto oo keliya Khamiista; waxay dhici doontaa maalin kasta. Waxaan rabnaa in dhaqaalaha dib loogu soo celiyo dadka deegaanka.”

Booliska ayaa weli ku sugan goobta si ay u xakameeyaan xaaladda, iyadoo ay jiraan warar ku saabsan burbur loo geystay hanti iyo xiisad ka taagan bartamaha magaalada. See less

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...