Dhimasho iyo dhaawac ayaa dhashay shil gaari oo ka dhacay gobolka Sanaag

Qamiis, 11 June 2026 {Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu maanta ka dhacay deegaanka Cowsane, sida ay goob joogeyaal xaqiijiyeen.

Gaariga oo ahaa nuuca Baska ayaa waxaa la socday Ciyaartoy ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ku sii jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo lagu dabiibayo xarruumaha caafimaadka ee Badhan.

Citaartoyda shilka gashay ayaa ka tirsan Kooxda GTTS oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta keentay shilka gaariga, balse inta shilalka nuucaan ah ayaa ka dhaca deegaannada gobolka Sanaag, iyadoo loo sababeeyo xowliga ay darawalada ku wadaan gaadiidka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...