DG Jubbaland oo kordhisay ciidamada ka howlgalla Jubada Hoose

jumca 19, June 2026 {HMC}Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay furimaha hore ee Dagaalka ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana ciidankaas la dardaarmay saraakiisha ciidamada iyo Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad-Goboleedkaas, Sarreeye Gaas, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Ciidankaan ayaa loogu talagalay in ay xoojin u noqdaan ciidamo isugu jira Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ee ka howlgallaya GGobolka Jubada Hoose halkaas oo laga abaabulayo guluf ka dhan ah ‘AS’

Jubbaland ayaa shaacisay in ay doonayso qabsashada deegaannada gacantooda ka maqan ee Gobolka Jubada Hoose si ay ugu gudbaan wajiga xiga ee Gobolka Jubada Dhexe oo intiisa badan ay ku sugan yihiin ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...