Khamiis 2. july 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 27 ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeymo cirka ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose intii u dhaxeysay 1-dii iyo 2-dii Luulyo.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah, ay fuliyeen duqeymo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji.
Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarrada lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan kooxda, halka tiro kale oo lagu sheegay “labaatameeyo” ay ku dhaawacmeen.
Waxa kale oo ay intaas ku dartay in la burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta weerarro.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada lagu beegsanayo kooxda.


