DFS oo bilaawday Dhismaha Xeryo Ciidan iyo Xarumo Laga hago Diyaaradaha Aan duuliyaha Laheeyn.

Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in saddex magaalo oo istaraatiiji ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka laga dhiso saldhigyo ciidan iyo xarumo laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

Sida ay xogta ku heshay HMC Somali, qorshahan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga dowladda ee xaalad kasta oo ka dhalan karta bixitaanka ama hoos u dhaca ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Magaalooyinka ku yaalla Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa ay hadda joogaan ciidamada Itoobiya, ayaa sidoo kale la qorsheynayaa in la geeyo cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor, si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga.

Saldhigyada drones-ka ayaa lagu doonayaa in ay fududeeyaan howlgalada degdegga ah, iyadoo ciidamada goobta jooga ay heli doonaan awood dheeraad ah oo kormeer iyo xog-ururin ah, halkii ay mar kasta Muqdisho ka sugi lahaayeen amar ama taageero.

Sidoo kale, waxaa la kordhiyay adeegsiga drones-ka habeenkii, kuwaas oo kormeer ka wada goobaha dagaalka iyo deegaanada istaraatiijiga ah.

Awoodda drones-ka ayaa horey uga mid noqotay qorshayaasha amni ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada Xoogga lagu tababaray adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gaar ahaan kormeerka, sahanka iyo ururinta xogta goobaha howlgalada.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, si ay si buuxda ula wareegaan masuuliyadda amniga marka ciidamada AUSSOM ay ka baxaan dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Maxay maxkamaddu u cuskatay laalista doorashadii ka dhacday Galmudug.?

Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Waxay sheegtay maxkamaddu in go'aankeeda ay u cuskatay qodobo dastuuri ah iyo xeerka ama sharciga doorashada ee Soomaaliya ee...