DFS iyo saaxiibada caalamka, oo fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Kooxda AS.

Axad 12 July 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari Cabdibile ah iyo booyad shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla Viacha

Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla...