DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab

Talaado 14 July 2026 {HMC}Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. SomaliaPolitical Analysis

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta xalay lagu dilay 42 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 12 kale lagu dhaawacay, kaddib markii la beegsaday goob ay isku uruursanayeen dagaalyahanno ka firxaday dagaallo hore uga dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeymaha lagu burburiyay gaari nooca ciidanka ah, fariisimo iyo difaacyo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka Goobo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee taageera la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay howlgalada lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalada socda ay si weyn u wiiqeen awoodda Al-Shabaab, isla markaana kooxda ay bilihii la soo dhaafay la kulmeysay khasaare isugu jira dagaalyahanno iyo horjoogayaal lagu dilay howlgallo ka dhacay gobollo kala duwan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Macawiisleyda ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo caddeysay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxda ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...