Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Maraykanka

Arbaco 15 July 2026 {HMC} Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Maraykanka isaga oo ku dhaliilay in ay xasad aan dhammaad lahayn geliney Dunida maadaama ay meel fog iska dhigtay soo afjaridda Colaadda Bariga Dhexe.

Sun Lei ayaa sheegay in howlgallada Maraykanka ee Iiraan ka dhanka ah uu noqday mid joojiyay isu gudubka Dalal badan oo Caalamka gaar ahaan kuwa Khaliijka, waxaana uu ku baaqay in si qasab ah loo farageliyo xal u helista arrintaas.

“Maraykanka waxa uu dinda gelinayaa xiisad aan dhammaad lahayn, markale waxa uu dib u billaabay duullaanka ka dhanka ah Iiraan iyo Yemen, xiligaan waxaa mudnaanta 1aad leh joojinta dagaalka Maraykanka uu wado lagana fogaado colaadaha & rabshadaha cusub” Sidaasi waxaa yiri Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei.

Hadalkaan waxa uu jawaab u ahaa eedayn ka timid Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz oo Shiinaha ku eedeeyay in uu ku lug leeyahay xiisadda ka taagan Bariga Dhexe isla markaana aan daacad ka ahayn daminta dabkaas uu dhankiisa ka shidayo

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...